Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa bilaabanaya wada-hadallo la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimo ku saabsan doorashada Madaxweynaha Soomaaliland iyo kuwa xisbiyada.Waxaa la Magacaabay guddiyo ka kooban 18 Xunood oo laga soo kala xulay 10 Xubnaha Golaha Guurtida ah iyo 8 odayaasha Dhaqanka ah, waxaana ay bilaabayaan wada-hadallo ay labada dhinac ku dhex-dhexaadinayaan.Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah Xubnaha guddiga ayaa sheegay in Maalinta berito ah ay bilaabi doonaan dhex-dhexaadinta, isla markaana ay la kulmi doonaan Madaxweyne Muuse iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADANI ee Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.Sidoo kale wuxuu sheegay in howsha dhex-dhexaadinta ah ay goor sii hore bilaabeen maadaama ay xabsiyada kasii daayeen Xubno kamid ahaa Xisbiyada mucaaradka ee Xukuumaddu dhawaan xirtay haatana inta dhiman ay dhameystiri doonaan.Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka oo loo diiday inay dhigaan dibadbax looga soo horjeedo xukuumadda, waxaana Xubnaha mucaaradka ay Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeynayaan in uu doonayo muddo kororsi. Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Soomaali dil & dhaawac loogu geystay webi mara deegaanka Canfarta next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Dowlada mareykanka oo soo dhaweeyay hadal kasoo yeeray kooxda TPLF 13/09/2022 Dhageyso:-Shariif Xasan Sheekh adana Madaxweyna KGS ayaa waxa uu ka hadley Waxa yaabaha Uu u Hormari waayey Maamulkiisa 04/03/2017 Dadka uu soo ridanayo cudurka Covid 19 dalka Soomaaliya oo sii korortay 12/07/2021 Gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xilka lagu wareejiyay 02/05/2020 Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay golihiisa wasiirada ( xubno caan ah ayaa ka mid ah) 24/04/2020 Maxkamadda Ciidamada oo xukun riday eedeysanayaal dil ka geysteen degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo. 27/05/2021 DHAGEYSO: SHIRKII SEDAX BIL LAHA ISKU XIRKA LAAMAHA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA DALKA OO BAYDHABO KA DHACAY . 28/01/2019 Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Shirkadda DP World ay dalka ka difaaci doonto 09/06/2020 Jadwalkii labaad ee Guddiga doorashada lagu muransan yahay oo qarka u saaran inuu dhaqan geli waayo 06/01/2021 Qatar Airways oo bixinaysa Boqol Kun oo Tikidh lacag la’aan ah iyo dadka la siinayo oo… 13/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.