Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah written by Warsan Radio 24/06/2022 Ciidamada Booliiska dalka Mozambique ayaa xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo afduub sameeya kana ganacsata maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.Sida uu sheegay afhayeenka booliiska Daniel Macuacua, Soomaalida ayaa haysto Sharci ama aqoonsi oo been abuur ah.Waraaqaha Aqoonsiga ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangalyada dalka Mozambique ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo oo Mozambique ah.Mr Macuacua ayaa intaa ku daray in booliisku ay sidoo kale baarayaan shaqaalaha rayidka ah ee kooxda u fududeeyay soo gelitaanka iyo helitaanka dukumentiyada.“Intii lagu jiray baaritaan dheeri ah, waxaa la ogaaday inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha Gudaha ah kuwaas oo ay u badan tahay inay fududeeyeen soo saarista dukumentiyadan”, ayuu yiri Mr Macuacua.Mozambique ayaa loo arkaa meel ay maraan kumanaan muhaajiriin ah oo sanad walba ka soo talaabaya xudduudaha dalka Koonfur Afrika, waana mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya qaaradda.Bishii Oktoobar, Adeegga Socdaalka Qaranka Mozambique ayaa xiray 53 muhaajiriin ahoo si sharci darro u joogay bartamaha Gobolka Tete ee dalka Mozambique. Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha next post Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay You may also like Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 10/01/2023 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 16/01/2020 Akhriso:-Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Looga Hadlay Maqaamka ay leedahay Muqdisho 08/04/2019 RW Rooble oo ka qeyb galay casho sharaf uu Madaxweynaha Djibouti ku casuumay “SAWIRRO” 16/12/2021 Kenya oo sheegtay in arrinta kiiska badda ay u gudbin doonaan Golaha Ammaanka 16/03/2021 DHAGEYSO:-ROOBAB LAGU DIIR SADEY OO KA CURTEY MAGAALADA XUDUR EE GOBOLKA BAKOOL 10/04/2018 Dowlada oo war ka soo saartay sababta uu natiijo la’aan ugu dhamaaday shirka Afisyoone 07/04/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 07/07/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 25/01/2021 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 25/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.