Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka written by Warsan Radio 05/07/2022 Shiinaha ayaa beeniyay eedeyn mas’uuliyad darro ay ku tilmaantay oo uga timid madaxa hay’adda saadaasha hawada ee Maraykanka, kaasoo sheegay in xukuumadda Beijing ay qabsan rabo qeyb dayaxa.Bill Nelson oo ah maamulaha hay’adda NASA ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ku sheegay in Shiinaha uu wado qorshe uu mashruuc milateri uga fulinayo guudka dayaxa.Shiinaha sanadihii la soo dhaafay sare u qaaday hawlgalladiisa ku aaddan dayaxa, waxaana uu dayax-gacmeed aanay cidna saarnayn ku dejiyay dayaxa sanadkii 2013. Beijing ayaa sidoo kale doonaysa in dayax-gacmeed awood badan oo qaadi kara cir-bixiyayaal ay dayaxa u dirto inta aan la gaarin 2030.“Waa arrin walaaceeda leh in Shiinaha uu gaarayo dayaxa, kadibna oran doono “inaga ayaa leh oo cidna uma soo dhawaan karto,” ayuu Bill Nelson ku sheegay waraysiga.Waxa uu intaa raaciyay in barnaamijka hawada sare ee Shiinaha uu yahay mid ku salaysan cudud milateri, isla markaana ay xukuumadda Beijing fekrado iyo tiknolaajiyad ku aaddan hawlgalkaas ay ka xaday dalal kale.Ma aha markii u horreysay ee madaxa hay’adda NASA uu iska indho-tiray xaqiiqda, isla markaana uu sheegay hadal mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah Shiinaha,” ayuu yiri Zhao Lijian oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha. Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka NISA oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho next post Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa You may also like Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 16/07/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 05/05/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/10/2019 Xilliga uu furmayo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka oo la shaaciyey 25/05/2020 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 14/07/2022 Akhriso:-UNSOM-JOINT PRESS STATEMENT 30/01/2019 Biyo la’aan daran oo ka jirta gobolka Gedo 28/02/2021 Shaqaalaha Dowlada oo lagu amray inay iska talaalaan cudurka Covid 19 31/08/2021 Akhriso:-Dalladda SOMA oo maanta Tababar ka furtay Cadaado 20/12/2017 Duqeymo ka dhacay degaano katirsan Koonfurta Gobolka Mudug 25/09/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.