Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka written by Warsan Radio 05/07/2022 Shiinaha ayaa beeniyay eedeyn mas’uuliyad darro ay ku tilmaantay oo uga timid madaxa hay’adda saadaasha hawada ee Maraykanka, kaasoo sheegay in xukuumadda Beijing ay qabsan rabo qeyb dayaxa.Bill Nelson oo ah maamulaha hay’adda NASA ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ku sheegay in Shiinaha uu wado qorshe uu mashruuc milateri uga fulinayo guudka dayaxa.Shiinaha sanadihii la soo dhaafay sare u qaaday hawlgalladiisa ku aaddan dayaxa, waxaana uu dayax-gacmeed aanay cidna saarnayn ku dejiyay dayaxa sanadkii 2013. Beijing ayaa sidoo kale doonaysa in dayax-gacmeed awood badan oo qaadi kara cir-bixiyayaal ay dayaxa u dirto inta aan la gaarin 2030.“Waa arrin walaaceeda leh in Shiinaha uu gaarayo dayaxa, kadibna oran doono “inaga ayaa leh oo cidna uma soo dhawaan karto,” ayuu Bill Nelson ku sheegay waraysiga.Waxa uu intaa raaciyay in barnaamijka hawada sare ee Shiinaha uu yahay mid ku salaysan cudud milateri, isla markaana ay xukuumadda Beijing fekrado iyo tiknolaajiyad ku aaddan hawlgalkaas ay ka xaday dalal kale.Ma aha markii u horreysay ee madaxa hay’adda NASA uu iska indho-tiray xaqiiqda, isla markaana uu sheegay hadal mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah Shiinaha,” ayuu yiri Zhao Lijian oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha. Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka NISA oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho next post Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa You may also like DHAGEEYSO:-AKHRISO:-Wareysi Gudoomiyaha Gudiga Doorashoyinka Dadban K G S Maxamed abdulahi mursal 07/12/2016 VIDEO DEG DEG: RW XASAN CALI KHEYRE OO HELAY CODKA KALSOONIDA BARLAMAANKA 01/03/2017 DHAGEYSO:-Warka Subaxnimo ee Idaacada Warsan 25/04/2020 Hindiya oo ku guulaysatay tijaabada Gantaal ay wal-wal ka muujiyeen Pakistan iyo Shiinaha 06/11/2022 Madaxweynayaasha Soomaaliya & Jabuuti oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab 28/12/2022 Milatariga Maraykanka Oo Qirtay Inay 23 qof Rayid Ah Ku Dileen Soomaaliya Iyo Dalal Kale 03/06/2021 Madaafiic lagu garaacay Xaafado katirsan Laas-Caanood & khasaaro ka dhashay 31/03/2023 Dhageyso:-Shir Lagu Bareyey Bulshada Reer Kgs Maamul Wanaaga ayaa ka dhacay Magalada Baydhabo 25/01/2017 Dhageyso:-Warka Subaxnimo ee Radio Warsan 29/03/2022 Sawiro:-Madaxweyne Laftagareen ayaa Hay’adda IOM kala hadlay gurmadka Abaaraha KGS 23/08/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.