Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka written by Warsan Radio 05/07/2022 Shiinaha ayaa beeniyay eedeyn mas’uuliyad darro ay ku tilmaantay oo uga timid madaxa hay’adda saadaasha hawada ee Maraykanka, kaasoo sheegay in xukuumadda Beijing ay qabsan rabo qeyb dayaxa.Bill Nelson oo ah maamulaha hay’adda NASA ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ku sheegay in Shiinaha uu wado qorshe uu mashruuc milateri uga fulinayo guudka dayaxa.Shiinaha sanadihii la soo dhaafay sare u qaaday hawlgalladiisa ku aaddan dayaxa, waxaana uu dayax-gacmeed aanay cidna saarnayn ku dejiyay dayaxa sanadkii 2013. Beijing ayaa sidoo kale doonaysa in dayax-gacmeed awood badan oo qaadi kara cir-bixiyayaal ay dayaxa u dirto inta aan la gaarin 2030.“Waa arrin walaaceeda leh in Shiinaha uu gaarayo dayaxa, kadibna oran doono “inaga ayaa leh oo cidna uma soo dhawaan karto,” ayuu Bill Nelson ku sheegay waraysiga.Waxa uu intaa raaciyay in barnaamijka hawada sare ee Shiinaha uu yahay mid ku salaysan cudud milateri, isla markaana ay xukuumadda Beijing fekrado iyo tiknolaajiyad ku aaddan hawlgalkaas ay ka xaday dalal kale.Ma aha markii u horreysay ee madaxa hay’adda NASA uu iska indho-tiray xaqiiqda, isla markaana uu sheegay hadal mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah Shiinaha,” ayuu yiri Zhao Lijian oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha. Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka NISA oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho next post Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa You may also like Ciidamada Koonfur Galbeed oo dilay sarkaal caan ah oo katirsanaa Al-shabaab 14/09/2020 Dhageyso;- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 24/09/2022 Faah Faahin:- Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo. 18/12/2020 DFS oo shaacisay xilliga Soomaaliya laga dhaafi doono Canshuurta waxyaabaha ay u iibgeyso Dalalka Carabta 04/04/2023 video:-Magaalada Baydhabo Janaay oo Si Weyn Looga Dareemayo u Diyaar Garowga Ciida 31/08/2017 Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Go’aan ka dhan ah Al-Shabaab 23/10/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 16/08/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 13/08/2019 Dhageyso:-Darsi diini ah oo ku saabsan Waxbarashada 23/04/2021 Guddoomiyaha Maamulka Shabeeladda Hoose oo ka hadlay dadkii ku dhintay Qaraxii deegaanka Xaawo Cabdi 31/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.