Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka written by Warsan Radio 05/07/2022 Shiinaha ayaa beeniyay eedeyn mas’uuliyad darro ay ku tilmaantay oo uga timid madaxa hay’adda saadaasha hawada ee Maraykanka, kaasoo sheegay in xukuumadda Beijing ay qabsan rabo qeyb dayaxa.Bill Nelson oo ah maamulaha hay’adda NASA ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ku sheegay in Shiinaha uu wado qorshe uu mashruuc milateri uga fulinayo guudka dayaxa.Shiinaha sanadihii la soo dhaafay sare u qaaday hawlgalladiisa ku aaddan dayaxa, waxaana uu dayax-gacmeed aanay cidna saarnayn ku dejiyay dayaxa sanadkii 2013. Beijing ayaa sidoo kale doonaysa in dayax-gacmeed awood badan oo qaadi kara cir-bixiyayaal ay dayaxa u dirto inta aan la gaarin 2030.“Waa arrin walaaceeda leh in Shiinaha uu gaarayo dayaxa, kadibna oran doono “inaga ayaa leh oo cidna uma soo dhawaan karto,” ayuu Bill Nelson ku sheegay waraysiga.Waxa uu intaa raaciyay in barnaamijka hawada sare ee Shiinaha uu yahay mid ku salaysan cudud milateri, isla markaana ay xukuumadda Beijing fekrado iyo tiknolaajiyad ku aaddan hawlgalkaas ay ka xaday dalal kale.Ma aha markii u horreysay ee madaxa hay’adda NASA uu iska indho-tiray xaqiiqda, isla markaana uu sheegay hadal mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah Shiinaha,” ayuu yiri Zhao Lijian oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha. Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka NISA oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho next post Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa You may also like Saraakiisha ugu saraysa ciidamada Somaliland oo ka hadlay raafka Laascaanood 04/10/2021 Akhriso:-Afar rux oo rayid ah ku dhinteen Qarax ka dhacay Buulo-Mareer 12/05/2018 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 25/12/2018 Dhageyso barnaamijka kulanka warsan 09/10/2021 Wasiirka Wasaarada Warfaafinta KGS Oo Hadlay Amniga Iyo Guud Ahaan Siyaasada Dowlada KG. 05/12/2022 Akhriso:-Shir looga hadlayay nooca Caddaaladda ee lagu dhaqayo Soomaaliya oo lagu qabtay Jowhar 24/01/2018 Akhriso:-Guddoonka Aqalka sare oo maanta kulan la yeeshay guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka 05/08/2017 RW Rooble oo la kulmay saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM (Sawiro) 25/11/2020 DEG DEG: Nin hubeysan oo weerar ku qaaday xarun laga dukaamaysto 03/07/2022 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 19/02/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.