Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 05/07/2022 Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ka furmo meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD, kaas oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka ku midoobay Urur Goboleedka IGAD.Shirka ayaa qorshuhu ahaa in Soomaaliya uu uga qeyb galo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse booqasho uu u aaday dalka Turkiga, waxaana matalaya oo Magaalada Nairobi gaaray Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaaladaha dalalka ay kajiraan colaadaha, sida Soomaaliya oo amni daro weyn ay kajirto, xiisadda u dhaxeeyso dalalka Itoobiya iyo Suudaan iyo sidoo kale dagaalada sokeeye ee kasocda Itoobiya.Sidoo kale waxaa shirka siweyn loogu falan qeyn doonaa Arrimo ku saabsan saameynta ka dhalatay Abaaraha iyo sida looga gudbi karo, iyada oo dalalka sida weyn ay abaarta u saameysay ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Guud ee dalka, sida Amniga & Abaaraha, isaga oo sidoo kale inta uu shirka socdo kulamo doceedyo la qaadan doono Madaxdanka qeyb galeysa Shirka.Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa sanad walba shira, iyaga oo markaasi siweyn uga hadla xaaladaha iyo dhibaatooyinka kajira dalalka ku mideysan IGAD, waxaana laga soo saaraa Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay Madaxda ka hadleen. Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in deg deg loo soo celinayo Ciidamada tababarka u jooga Ereteriya 11/07/2022 Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Ka Dhacay Magaalada Baladweyne 14/09/2020 Wasaaradaha & Hay’adaha Jubbaland oo laga mamnuucay inay heshiisyo galaan 24/07/2022 Ra’iisal wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha golaha wakiilada Koofur galbeed (Sawirro) 11/10/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 22/12/2018 Guddoomiye Aadan Madoobe oo gaaray Magaalada Washington 23/10/2023 Xildhibaan/wasiir Nuur Xaashi Warsame oo caawa lagu dhex toogtay Jowhar 17/09/2020 DFS iyo FINLAND oo ka wada hadlay dib u billaabidda Wadahadallada Somaliland 07/05/2023 Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay inuu kalsoonidii kala noqday Dowladda Somalia 31/03/2024 Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika 03/02/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.