Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 05/07/2022 Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ka furmo meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD, kaas oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka ku midoobay Urur Goboleedka IGAD.Shirka ayaa qorshuhu ahaa in Soomaaliya uu uga qeyb galo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse booqasho uu u aaday dalka Turkiga, waxaana matalaya oo Magaalada Nairobi gaaray Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaaladaha dalalka ay kajiraan colaadaha, sida Soomaaliya oo amni daro weyn ay kajirto, xiisadda u dhaxeeyso dalalka Itoobiya iyo Suudaan iyo sidoo kale dagaalada sokeeye ee kasocda Itoobiya.Sidoo kale waxaa shirka siweyn loogu falan qeyn doonaa Arrimo ku saabsan saameynta ka dhalatay Abaaraha iyo sida looga gudbi karo, iyada oo dalalka sida weyn ay abaarta u saameysay ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Guud ee dalka, sida Amniga & Abaaraha, isaga oo sidoo kale inta uu shirka socdo kulamo doceedyo la qaadan doono Madaxdanka qeyb galeysa Shirka.Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa sanad walba shira, iyaga oo markaasi siweyn uga hadla xaaladaha iyo dhibaatooyinka kajira dalalka ku mideysan IGAD, waxaana laga soo saaraa Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay Madaxda ka hadleen. Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Col. Gabre oo laga eryay shaqadii uu ka hayay Urur Goboleedka IGAD 25/06/2018 Dalka Filibiin Malaayiin qofood oo lagu amaray inay guryahooda joogaan + Sababta 04/08/2020 Maraykanka oo saxiixay heshiis hub looga iibinayo Qatar 30/11/2022 Gaas & Faroole oo Xildhibaan Sacdiyo ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay dagaalkii Boosaaso 13/07/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 09/12/2017 Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ka hadlay talaalka COVID-19 ee maalmaha bisha Ramadaan 21/03/2021 Duqeyn lagu dilay Dagaalyahano ka tirsan AS oo Maanta la fuliyay 19/01/2024 Odayaasha Dhaqanka Garxajis oo dagaalka Laas-Caanood ku eedeeyay Xukuumadda Muuse Biixi 19/02/2023 Daawo Muqaalka xirtaankii Siminaarka soma oo ka socday magalada baydhabo janaay 22/08/2016 Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta qalabka looga hortago COVID-19 kala wareegtay Hay’adda WHO 22/10/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.