Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 05/07/2022 Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ka furmo meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD, kaas oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka ku midoobay Urur Goboleedka IGAD.Shirka ayaa qorshuhu ahaa in Soomaaliya uu uga qeyb galo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse booqasho uu u aaday dalka Turkiga, waxaana matalaya oo Magaalada Nairobi gaaray Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaaladaha dalalka ay kajiraan colaadaha, sida Soomaaliya oo amni daro weyn ay kajirto, xiisadda u dhaxeeyso dalalka Itoobiya iyo Suudaan iyo sidoo kale dagaalada sokeeye ee kasocda Itoobiya.Sidoo kale waxaa shirka siweyn loogu falan qeyn doonaa Arrimo ku saabsan saameynta ka dhalatay Abaaraha iyo sida looga gudbi karo, iyada oo dalalka sida weyn ay abaarta u saameysay ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Guud ee dalka, sida Amniga & Abaaraha, isaga oo sidoo kale inta uu shirka socdo kulamo doceedyo la qaadan doono Madaxdanka qeyb galeysa Shirka.Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa sanad walba shira, iyaga oo markaasi siweyn uga hadla xaaladaha iyo dhibaatooyinka kajira dalalka ku mideysan IGAD, waxaana laga soo saaraa Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay Madaxda ka hadleen. Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dood ku saabsan doorka fanaaniinta iyo abwaanada ka qaataan Nabadda iyo deminta colaadaha 30/04/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 14/06/2021 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ummadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Xuska Maalinta Xornimada Goballada Waqooyi 26/06/2019 Madaxweynihii iyo Ra’iisul-wasaarihii Maali oo Xabsiga laga sii daayey 27/05/2021 Dowladda Soomaaliya oo QM & Dowladda UK kala hadashay gurmadka Abaaraha 19/08/2022 Dagaal culus oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo reer guuraaga koofurta Mudug oo hada socda 12/08/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb & Abaabulka bilaabanaya 05/08/2023 Dhageyso:- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 16/03/2022 Maleeshiyaad ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan oo la kala qaaday 12/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 07/02/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.