Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 05/07/2022 Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ka furmo meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD, kaas oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka ku midoobay Urur Goboleedka IGAD.Shirka ayaa qorshuhu ahaa in Soomaaliya uu uga qeyb galo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse booqasho uu u aaday dalka Turkiga, waxaana matalaya oo Magaalada Nairobi gaaray Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaaladaha dalalka ay kajiraan colaadaha, sida Soomaaliya oo amni daro weyn ay kajirto, xiisadda u dhaxeeyso dalalka Itoobiya iyo Suudaan iyo sidoo kale dagaalada sokeeye ee kasocda Itoobiya.Sidoo kale waxaa shirka siweyn loogu falan qeyn doonaa Arrimo ku saabsan saameynta ka dhalatay Abaaraha iyo sida looga gudbi karo, iyada oo dalalka sida weyn ay abaarta u saameysay ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Guud ee dalka, sida Amniga & Abaaraha, isaga oo sidoo kale inta uu shirka socdo kulamo doceedyo la qaadan doono Madaxdanka qeyb galeysa Shirka.Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa sanad walba shira, iyaga oo markaasi siweyn uga hadla xaaladaha iyo dhibaatooyinka kajira dalalka ku mideysan IGAD, waxaana laga soo saaraa Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay Madaxda ka hadleen. Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Inkabadan 300 oo ruux oo laga helay 48kii saac ee ugu dambeeyay cudurka Covid 19 27/02/2021 Sawiro: Dhalinyarada Deg/ Qansax Dheere Oo Baaq Udireen Wasaarada Dhalinyarada KG. 05/03/2020 Maamulka Koonfur Galbeed oo toogatay rag kufsi ka geystay Baydhabo 18/08/2020 Musharixiinta Koonfur Galbeed oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Shirka Baydhabo 03/01/2023 Rooble oo ka hadlay tilaabada ay qaadeen Guddiga doorashooyinka Heer federal 02/04/2022 Wasiirka Maaliyadda oo hambalyo u direy madaxa hey’adda caalamiga ah ee maaliyadda IFC 20/02/2021 Ciidanka Amniga Oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Burcad Ah Oo Dhac Ka Geystay Xaafaddo 15/01/2023 Magaaladda Buurhakaba oo laga mamnuucay Isticmaalka Mootada Fekon 20/05/2020 DF OO SHEEGTAY IN AY GARAB TAAGANTAHAY SUUDAAN OO MURAN XOOGAN KALA DHEXEEYO ITOOBIYA 28/09/2021 Akhriso+Sawiro:-Tirakoob ku saabsan ardeyda ka baxday jaamacadaha dalka oo la soo saaray 05/06/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.