Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like In ka badan 200 oo qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Itoobiya 20/06/2022 Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir uga qayb galaya dalka Itoobiya 18/02/2023 DAAWO XOOLO KU LEDEEN DEGMADA WANLAWEYN EE GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE 16/01/2017 Beyrut Waxaa lagu qabtay munaasabad loogu duceynayo dadkii ku dhintay qaraxa 12/08/2020 Dowladda Jabuuti & Kenya oo isku mari waayay kursi kamid ah Golaha Amaanka ee QM 18/06/2020 Taariikh Nololeedka Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 18/09/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 27/12/2020 Dowlada Somalia oo digniin ka bixisay Masiibo ku soo wajahan dalka (Akhriso) 19/07/2020 Howlgal OO laga sameeyay Xaafadaha Magaalada Cadaado 02/08/2022 Maamulka degmada Walanweyn oo mamnuucay hubka shacri darrada ah 08/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.