Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like Dhageyso:-Xadgudubka IMO iyo go’aankii ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed (Warbixin) 23/02/2019 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 23/08/2021 Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in la furi doono wadooyin ay go’doomiyeen Al-Shabaab 13/06/2020 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb 01/10/2023 Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horjeestay guddiga doorashada heer federaal 05/11/2020 DFS oo faah faahisay xilliga dalka lagu soo celinayo Ciidamada ku maqan Ereteriya 27/09/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 02/09/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/01/2020 Tirada Dadka ku dhintay Roobka dabeylaha wata ee ka da’ay Koonfur Afrika oo kordhay 15/04/2022 Hay’ad baaq deg deg ah kasoo saartay Macalimiin u xiran Iiraan 08/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.