Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like Imaam Masjid oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho 05/04/2023 Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Maqaayad ku dhow Dekeda Muqdisho 03/08/2020 Prof. Dufle “Ma jirto wax aan soo saxiixnay oo ah 7-d kursi ee Banaadir in lagu qeybsado 4.5” 06/06/2020 Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Maaliyadda 22/12/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 26/12/2023 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 01/05/2017 Dhageyso+Akhriso:-Kontan sano kadib Fanaanta Arlaadi oo helay xarun ay ku howlgalaan. 13/08/2019 Dowlada Masar oo looga digay faragalinta ay ku heyso dalka Liibiya 21/06/2020 Madaxwyne Xasan Sheekh & Shariif Xasan oo kulan ku yeeshay Muqdisho 31/08/2020 Daawo Muqaalka Ku Simaha Mweynaha dowlada KGS, Ahna Wasiirka Beeraha iyo Abaaraha Maxamed Xasan Fiqi oo Ay Wehelinayaan 16/12/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.