Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn milgo sare leh loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee ee Magaalada Ankara.
Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , ayaa loo riday 21 madfac oo lagu soo dhaweeynayay.
Madaxweynaha ayaa hadda ka qeyb galaya kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga uga socdo qasriga xarunta madaxtooyada ee dalka Turkiga.