laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ciidamada kala duwan ee Booliska Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa NISA ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo Alniga Caasimadda, kadib markii ay Magaalada kusoo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dilaya kadibna dhac u geeysanaya.Ciidamada ayaa xalay howlgallo ka sameeyay degmooyin katirsan Gobolka Banaadir, sida, Waaberi, Hodan iyo Dharkeenleey, iyaga oo gacanta ku dhigay Kooxo hubeysan oo Burcad ah, Ciyaal weero iyo waxyaabaha Maanka dooriya.Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay dad aan aheyn Ciidan oo Magaalada Muqdisho ku dhex watay hub sharci darro ah iyo Maandooriye farabadan, sida Xashiishka iyo Khamriga.Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in marnaba Ciidamada Booliska Soomaaliya aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo dadka Shacabka, isaga oo dhinaca kale Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga iyo ka hortagga Kooxaha Burcadda ah.Waxaa uu markale ku celiyay Afhayeenka in Ciyaal weeradii dadka dhibaatada ku haayay ay isku bedeleen kuwo Gaangis ah oo dadka dhibaateeyo, isaga oo Waalidiinta uga digay inay soo daba galaan Ciyaal weerada lagu soo qabtay, iyaga oo faraha kula jira falal liddi ku ah Amniga.Howlgalkan Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa daba socday kadib markii shalay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya uu ku dhawaaqay in Muqdisho laga bilaabayo howlgallo ka dhan ah Kooxaha Burcadda ah iyo Ciyaal weerada. laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya next post Dhageyso:-Warka Duhurnimo ee Radio Warsan You may also like Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Ruushka oo dib ugu soo laabtay baraha bulshada ka dib xaalad khatar ah uu galay 19/09/2020 Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jeddah 07/05/2021 Wararkii ugu dambeeyay Dagaal beeleed Khasaare geystay oo ka dhacay Galgaduud 27/06/2020 Weerar culus oo lagu qaaday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso 05/03/2021 Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wakiilllada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya 16/09/2019 Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay doorasho hal dhinac ah xiriirka kubada cagta 24/12/2022 Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in DFS diyaar u tahay la wareegitaanka Amniga dalka 06/02/2022 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan. 27/12/2022 Waa sidee Maanta xaaladda Magaalada Boosaaso? 24/12/2021 Wararka kasoo baxaya Maamulka Puntland ayaa sheegaya in ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Qandala 04/12/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.