laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ciidamada kala duwan ee Booliska Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa NISA ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo Alniga Caasimadda, kadib markii ay Magaalada kusoo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dilaya kadibna dhac u geeysanaya.Ciidamada ayaa xalay howlgallo ka sameeyay degmooyin katirsan Gobolka Banaadir, sida, Waaberi, Hodan iyo Dharkeenleey, iyaga oo gacanta ku dhigay Kooxo hubeysan oo Burcad ah, Ciyaal weero iyo waxyaabaha Maanka dooriya.Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay dad aan aheyn Ciidan oo Magaalada Muqdisho ku dhex watay hub sharci darro ah iyo Maandooriye farabadan, sida Xashiishka iyo Khamriga.Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in marnaba Ciidamada Booliska Soomaaliya aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo dadka Shacabka, isaga oo dhinaca kale Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga iyo ka hortagga Kooxaha Burcadda ah.Waxaa uu markale ku celiyay Afhayeenka in Ciyaal weeradii dadka dhibaatada ku haayay ay isku bedeleen kuwo Gaangis ah oo dadka dhibaateeyo, isaga oo Waalidiinta uga digay inay soo daba galaan Ciyaal weerada lagu soo qabtay, iyaga oo faraha kula jira falal liddi ku ah Amniga.Howlgalkan Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa daba socday kadib markii shalay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya uu ku dhawaaqay in Muqdisho laga bilaabayo howlgallo ka dhan ah Kooxaha Burcadda ah iyo Ciyaal weerada. laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya next post Dhageyso:-Warka Duhurnimo ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 24/11/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka warsan 08/08/2018 Xasan Sheekh oo Madaxda Dalalka Bulshada Bariga Afrika u gudbiyay codsiga kamid noqoshada dalladda 22/07/2022 Rooble oo ku dhawaaqay in Imaaraadka lagu wareejin doono lacagtii looga qaaday Garoonka Aadan-Cadda 07/01/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 24/09/2019 Video :-Muqdisho Xarunta Qaran Ee Gurmadka Qaran Ayaa Si Rasmi Ah Loogu Wareejinayaa Taakulada 17/10/2017 DAAWO Lafta-gareen oo magacaabay wasiiro cusub!! 13/02/2019 Guddiga Maamulka Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed oo u digay Maareeyaha Hay’adda 23/02/2023 Xulka Jarmalka oo guuldarro ku bilowday Ciyaaraha Adduunka 17/06/2018 Rooble oo shaaciyay wixii uu kala hadlay dowladda Imaaraatka Carabta 23/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.