Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed oo kumannaan ka mid ah ay ka soo qalin jabiyeen.Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsiga, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya next post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya You may also like Akhriso:- Magacyada Guddiga doorashada Madaxweynaha Somalia ee la Magacaabay 04/05/2022 Dhageyso:-Ciidamada AMISOM oo lagu eedeeyay in ay dad rayid ah ku dileen dulleedka Muqdisho 25/10/2017 DHAGEYSO: Taliska Booliska KGS oo Shaqo Joojin ku soo Rogey Gaadiidka Bajaajka Baydhabo. 07/08/2018 Akhriso:-Dulimaadkii ugu horeeyay oo maanta isaga kala gooshay magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa 18/07/2018 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 26/04/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 08/09/2020 Dhageyso:- Wareysi xasaasi ah oo aanu la yeelanay afhayeenka jaliyada YURUB KGS, 25/01/2017 Golaha Wasiirada Galmudug oo go’aamiyay in la weeraro Shabaab (SAWIRRO) 03/11/2020 Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno Shabaab ka tirsan 24/12/2022 Sacuudi Arabiya oo ku baaqday in mowqif midaysan oo Islaami ah laga qaato gardarada Israel ku hayso dhulka reer Falastiin 17/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.