Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed oo kumannaan ka mid ah ay ka soo qalin jabiyeen.Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsiga, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya next post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya You may also like Tartan aqooneedkii 10 aad ee Bisha barakeeysan ee Ramadaan oo ka bilaawday Shabakadda warbaahinta Warsan ee magaalada Baydhabo 24/03/2023 Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo is-casilay 23/02/2023 N Envoy to Somalia Expresses Deep Concern, Solidarity with Flood Victims 30/10/2019 Saraakiisha ugu saraysa ciidamada Somaliland oo ka hadlay raafka Laascaanood 04/10/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Arimaha Bulshada Gaar ahaan Caafimaadka. 20/06/2021 Wareysi Xildhiban idiriis Abdi Dhakh Tar oo Noqdey Xildhibankii ugu Horeeyey Ee udanqada Dadkiisa Kuna Deeqa 5,000$ 17/01/2017 Sacudi Carabiya oo martiqaad u fidisay Madaxda Madasha Qaranka 19/08/2021 VIDEO:-SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW OO SI DIIRAN BAYDHABO LOOGU SOO DHOWEYEY 01/12/2017 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada warsan 15/10/2018 Dad ku dhintay qarax ka dhacay baydhabo xilli lagu guda jiray dabbaaaldega Ciida 24/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.