Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho written by Warsan Radio 06/07/2022 Alle ha u Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenleey qarax loogu xiray Gaarigiisa lagu dilay Xaashi Cumar oo ahaa muwaadinkii Somaaliyeed ee u xirnaa Dawladda Talyaaniga muddo 19 sano, balse markii la soo daayay dhawaan helay Lacag magdhow oo gaareysa $5 Milyan.Cumar Xaashi ayaa dowladda Talyaaniģa waxaa ay u heeysatay inuu ka dambeeyey dil Magaalada Muqdisho loogu geystay gabar wariyaha ahayd oo lagu Magacaabi jiray llaria Alpi 20-kii Bishii Maarso sanadkii 1994-tii, Hayeeshee markii dambe wax dambi ah lagu waayay.Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Xaashi dhaawac culus oo markii hore kasoo gaaray qaraxa uu ugu geeriyooday mid kamid ah Isbitaallada kuyaalla Magaalada Muqdisho oo xaaladiisa lagula tacaalayay.Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo muddo kooban xiray waddooyinka soo gala Goobta, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa iyo dad loo qabtay.laamaha Amniga Soomaaliya iyo Maamulka degmada Dharkeenleey ayaan weli ka jadlin qaraxa waxaana uu kusoo beegmayaa xilli magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay ay ka yaraadeen qaraxyada gawaarida dadka loogu xiro.Xaashi Cumar ayaa dowladda Talgaaniga waxaa ay xabsiga kasiideysay sanadkii 2016-kii kadib markii lagu waayay dambiga ahaa in uu ka dambeeyay dilka gabar wariye ahayd oo ka tirsanayd Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday, kuwaas oo Muqdisho u yimid baaritaanka eedeymaha sheegayay, in shirkaddo laga leeyahay Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey kooxeedyadii Soomaaliya. Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa next post Kulan u socdo Madaxweyne Xasan Sheekh & dhiggiisa Turkiga You may also like Madaxweyne Cali Guudlaawe oo sheegay inay Guddi u saarayaan khasaaraha ka dhashay dabkii Suuqa Jowhar 28/08/2023 Akhriso: Qodobada Looga Hadlayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Ee Ka Furmay Muqdisho 26/12/2022 Banaanbaxyo rabshado wata oo weli ka sii socda wadanka Mareykanka 03/06/2020 Go’aano laga soo saaray Shir looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Baydhabo 09/06/2022 Dhageyso:- Ramadan karim Wareegii 3 xaad Trtanka Xaafadaha Holwadaag B iyo Towfiiq B wxay soo bandhigeen tartan xiisa badan 17/06/2017 Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta kusii jeeda Magaalada Kismaayo 26/11/2023 Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab 20/10/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 25/07/2020 Madaxweynihii Hirshabelle oo is casilay 03/11/2020 Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan 18/09/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.