Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 28/11/2022 Uganda iyo Congo oo si wadajir ah u qaaday weerarro ka dhan ah Daacish 30/11/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 30/09/2021 Hay’adda Amnest oo Maraykanka ugu baaqday inuu magdhow siiyo dhibanayaasha rayidka ee duqeymaha cirka ee Soomaaliya 31/07/2020 Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii Itoobiya oo ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay 26/01/2024 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 16/03/2019 Ra’iisal Wasaare Rooble oo howlaha doorashada u xil saaray Wasiiru-dowlaha xafiiskiisa 13/01/2021 Qaar kamid ah Maamul goboleedyada oo caga jiidaya soo gudbinta liiska guddiyada doorashooyinka 05/06/2021 Madaxweynaha Turkiga oo dadkiisa ku booriyay in aysan iibsan baddeecada laga keeno Faransiiska 27/10/2020 Soomaaliya oo dooneysa in Turkiga uu ka caawiyo Garsoorka iyo Caddaalada 26/12/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.