Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ku yaal duleedka Kismaayo 22/04/2022 Dowladda Somaliya oo sheegtay inaanan la fasaxin qaadka Kenya 10/05/2021 Turkiga oo dib u bilaabay xiriirkii diblumaasiyadeed ee dalka Masar 12/03/2021 Taliska CXD oo faah faahin ka bixiyay Dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Daaru-nicma 05/09/2023 Dowladda Soomaaliya oo Hay’ad Caalami ah oo kala hadashay gurmadka Abaaraha ee Dalka 23/08/2022 Aqriso:-Tartan aqoonedka Caawa u dhaxeeya Horseed A iyo Isha B 17/04/2021 Bankiga Adduunka oo dib usoo celiyey xiriirkii Soomaaliya 28/02/2020 Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 29/12/2022 Sii Hayaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Xoghayaha Joogtada Xafiiskiisa 25/07/2020 Militeriga Itoobiya oo qabsaday magaalo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Tigray 18/10/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.