Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Puntland Oo Hawada Ka Celisay Diyaarad Ay La Socotay Guddoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee G/Shacabka 11/07/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Arimaha Caalamka 02/09/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 27/09/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/07/2022 Dowladda Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiisyo cusub 11/08/2022 Wararkii ugu dambeeyey dagaalka deegaanka Qaayib 08/11/2022 Maxkamadda Gobalka Banaadir oo Xukuno adag ku riday Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimadka 24/08/2020 QM oo sheegtay in 7.7 milyan Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar 18/11/2021 Shariif Sheekh Axmed iyo Taliye Odawaa Raage oo Muqdisho ku kulmay 17/04/2021 Magaalada Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyada oo laga soo saaray Warmurtiyeed. 12/09/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.