Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/09/2021 Daawo Doorashada K/Galbeed oo mar kale dib loo dhigay iyo waqti cusub oo la shaaciyey 22/11/2018 Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo Maanta Go’aano cusub soo saaray 28/03/2024 Dowladda Federaalka oo Ciidamada loo yaqaan Haramcad ka dejisay Beledweyne 09/01/2021 Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo sheegay in Galmudug markii ugu horreeyso heleyso Garoon Caalami ah 22/08/2022 Donald Yamamoto oo si kulul ula hadlayay dowladda Federaalka iyo Mucaaradka 07/12/2020 Puntland oo Ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaad dagaalamay 12/06/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 14/01/2021 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ummadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Xuska Maalinta Xornimada Goballada Waqooyi 26/06/2019 WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA OO IDINKAGA IMAANAYEY MAGAALDA BAYDHABO, 11/12/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.