Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Meydad hor leh oo laga soo saaray dhismayaashii ku burburay Qaraxyadii Soobe 30/10/2022 WIIL JADEECO INDHA TIRTEY OO HOOYADIIS GANACSI LOO ABUUREY 28/04/2018 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 11/10/2020 Rooble oo sheegay inuu xalin doono tabashada ka taagan Hiiraan. 24/08/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 14/12/2020 Howlgalka ATMIS oo bandow ku soo rogaya Xerada Xalane ee Muqdisho 25/04/2022 Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo 21/06/2022 Guddoomiye Aadan Madoobe oo laamaha amniga G/Bakool kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab 13/12/2022 Dhageyso-Ganacsiga Suuq Bacaad Oo Maanta Xiran Iyo Maamulka Degmada Oo Ka Shiraya. 06/10/2017 Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb & Abaabulka bilaabanaya 05/08/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.