Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ay yeelanayaan Xildhibaannada labada Aqal? 12/06/2022 Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in lala wareegay degaanka Wabxo iyo degaano kale 09/11/2022 Shirka Midowga Afrika oo ka furmaya Addis Ababa & Madax ka qeyb galeysa 04/02/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 12/12/2016 Qodobadii lagu heshiiyay oo lagu soo bandhigay munaasabadda Afisyooni 27/05/2021 Madaxweynaha koonfur galbeed oo sheegay iney adkeyn doonaan amniga goobaha doorashadu ka dhaceyso ee maamulkaas 15/06/2021 Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka 01/07/2022 Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay hub ay howlgal ku qabteen -Sawiro- 22/05/2020 Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan sheekh & Dhiggiisa dalka Masar? 03/01/2024 Aqriso: Warbixin Kusaabsan Xaalada Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay 15/02/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.