Somaliland oo beenisay warar ay baahisay warbaahinta Israa’iil written by Warsan Radio 11/07/2022 Xukuumada Somaliland ayaa beenisay war uu wargayska The times of Israel ku sheegay in wafti ka socda Somaliland ka qayb galay shir lagaga hadlayay xiriirka Afrika iyo Israa’iil.Qoraal kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu beeniyay run nimada warkan oo uu Wargaysku nuqulkiisii soo baxay 9 July ku sheegay in Wasiirka Difaaca Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye uu ka qayb galay shirka oo ay soo qaban qaabisay safaarada Israa’iil ee Faransiiska bishii May.“Warar aan sal iyo raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay wargayska The Times of Israel kaas oo ay ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo wadamada Afrika, waana been cad oo marag ma doona” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.Wasaarada ayaa sheegtay in wasiir Caateeye uu xiliga wargaysku sheegay kamid ahaa guddidii qaban qaabada munaaasibada 18 May, isla markaana uu ku mashquulsanaa hirgalinta munaasibadaa.“Abdiqani Maxamuud Caateeye waxa uu mudooyinkii u dambeeyay ka shaqaynayay hawlaha qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudadda 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.Wargayska The Times of Israel, oo faalo ka qoray xiriir ay suuragal tahay in waddamada Geeska Afrika la yeeshaan Israa’iil, ayaa sheegay in Somaliland ka qayb gashay shir lagu falan qaynayay xiriirka Afrika iyo Israel bishii May, warkaasi oo Somaliland beenisay. Somaliland oo beenisay warar ay baahisay warbaahinta Israa’iil was last modified: July 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in deg deg loo soo celinayo Ciidamada tababarka u jooga Ereteriya next post Ciidanka dowladda oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab fuliyay You may also like Maxkamadda Ciidamada oo dil Toogasho ah ku xuntay Askari dilay Askari kale 26/08/2023 Akhriso:-Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Carta ee dalka Jabuuti 06/07/2018 Masar oo qabanaysa doorasho madaxweyne oo natiijadeeda lasii ogyahay 26/09/2023 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Landon gaaray iyo ujeedka sacdaalkiisa 20/11/2023 Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Xaaladda Laascaanood 02/01/2023 Xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay 26/02/2021 Akhriso:-Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo muddo cusub u qabatay dhageysiga dacwada loo heysto C/raxmaan C/shakuur 27/12/2017 Xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka 19/07/2020 Dhageyso:-Qaybtii 2aad sheekadii nabadda reer barnabad degow 19/04/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 25/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.