Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay Dhalinyaro ku xayirnaa dalka liibiya written by Warsan Radio 27/09/2022 Xafiiska Ergayga Gaarka ee Dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugusoo celiyey 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan, oo Magafe ka soo baxsaday, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyagoo la soo xariirey Xafiiska Ergayga Gaarka ah.Waxaa Garoonka Diyaarradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb. Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo xubno ka mid ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah.Amb. Maryan oo dedaalkaan soo wadday Illaa iyo 2016 ayaa dalkooda ku soo celisay dhallinyaro tiro badan oo ku jiray xabsiyo kala duwan isla markaana baadi goob u gashay samo-tabixinta dhallinta ku go,doonsan daafaha caalamka, iyadoo uga mahad celisay Madaxwenaha dalka iyo Ra’iisul Wasaarah dadaalka ay galiyeen badbaadda dhallinyarada Soomaaliyeed.Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo la kulmay dhiiggiisa Liibiya ayaa kala hadlay badbaadada Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku xayirran sidii dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyoDowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay dadaal dheer ugu jirto in muwaadiniinta Somaaliyeed ee xabsiyada dalalka kala duwan ku jira iyo kuwa ku dhibaateysan isla markaana ku xayiran dalalkaas in ay dalkoodu dib ugu soo celiso. Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay Dhalinyaro ku xayirnaa dalka liibiya was last modified: September 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in degaano horleh lagala wareegay Al-Shabaab next post Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan You may also like Gabdhihii ugu horeeyey ee ka mid noqonaya Ciidanka Booliska Haramcad oo tababar loo soo xiray 30/08/2021 Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Afghanistan 21/08/2021 Dhageyso:- RW Khayre oo Ku Baaqay in Colaadda Tukaraq Lagu Bedelo Xasilooni 30/07/2018 Dhageyso:-Warka Caawa ee Idaacada Warsan 08/10/2021 Dhageeyso:-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay tababar ugu furay Ciidamada Boolis ah 30/08/2017 Akhriso:-Ra’iisul Wazaare Kheyre oo ka hadlay qaraxyadii iyo weerarraddii maanta ka dhacay Muqdisho 23/03/2019 Dil ka dhacay Xaafad katirsan Magaalada Muqdisho & faah faahin laga helayo 19/05/2022 Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharci muhiim ah 22/06/2020 Xiisad ka Taagan Magaalada Garowe & Shacabka oo barakacaya 19/11/2023 Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil toogasho ah saaka fulisay 11/01/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.