Baydhabo-{WMN}-Sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Uganda qof qaba cudurka Ebola ayaa ku dhintay isbitaal ku yaalla caasimadda Kampala
Wasaarada ayaa intaas ku dartay in Bukaanka uu horey ula macaamilay qof qaba cudurkaasi oo uu markii dambe ka qaaday
Wasiirka caafimaadka Dr. Jane Ruth Aceng ayaa xustay in ninkan uu ka cararay tuuladii uu ku noolaa, isagoo qariyay aqoonsigiisa, waxaana uu booqday dhakhtar dhaqameed uu uga tagay degaan kale oo ka tirsan dalkaas
Tirada rasmiga ah ayaa muujinaysa in ilaa iyo hadda laga helay dalka Uganda 54 kiis oo Ebola ah, kuwaasoo 19 ka mid ah ay cudurka u dhinteen waxaana jira walaac laga qabo in cudurkaas uu ku sii faafo gudaha dalkaas iyo dalalka la deriska ah.