
Halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa durba bedelay aragtidii uu ka qabay booska kooxdiisii hore kala sarreynta Premier League kaga dhammaysan doonto xilli ciyaareedkan.
Man United ayaa booska afraad ee Premier League u wareegtay xalay kaddib guul 1-0 ah oo ay ka gaadhay West Ham United oo marti u ahayd xilli Marcus Rashford goolkiisii 100-aad ee Red Devils dhaliyay.
Gary Neville ayaa dhawaan uun sheegay inuu inaysan Manchester awoodin inay ku dhammaysato afarta sarre la’aanta saxeexa Frankie De Jong iyo weeraryahan cusub.
Haatan Neville ayaa sheegay inay haystaan fursad ay afarta sarre ugu dhammaystaan sababtoo ah Chelsea, Liverpool iyo Tottenham oo marxalado adag ku jira.
“Waxaan filayaa inay fursad fiican u haystaan ku dhammaysiga afarta sarre haatan” ayuu Sky Sports u sheegay Gary kaddib kulankii xalay.
“Waxaan filayaa inay Chelsea, Liverpool iyo Tottenham haystaan dhib ku filan oo ay United ku dareemi karto inay hore u socon karto, marnaba sidan kuma fikirayn afar ama shan toddobaad kahor”.
Man United ayaa kulanka xiga booqanaysa Aston Villa kulankaas oo noqon doona mid aad u adag sababtoo ah inuu yahay midkii koowaad ee Unai Emery laylin doono Villa.