Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa booqday dhaawacyada Qaraxyadii Soobe ee wali lagu dabiibayo Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer) ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyadii ka dhashey Qaraxii 29-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho oo wali xaaladdooda Caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalka.
Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid mid isagoona xog wareysanayey Ehellada dhaawacyada ku jira Isbitaalka Erdogan si uu u hubiyo in ay helleen Daryeel Caafimaad midka uga wanaagsan waxa sidoo kale booqdey dhamaan bukaanada ku jira Isbitaalka ee xaaladdooda Caafimaad la dabiibayo Isbitaalka.
Maamulka oo uu wehelinayay Guddoomiyaha Gurmadka Caafimaad ee heer Wasaaradda Caafimaad, Dr. Gulled Abdijalil iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa rajo fiican ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada waxaana jiro dhaqaatiir ka kala timid Dalalka Turkiga, Jabuuti, iyo Itoobiya oo qeyb ka noqon doona dhaqaatiirta la tacaaleysa dhaawacyada Qaraxyadii Soobe ee ku jira Isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad Sariic ah siiyo, sidoo kalena sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.