
Ciidamo isugu jira xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo dhowr deegaan kala wareegay Al-Shabaab ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo u dhow deegaanka Ceel-lahelay oo isna lagala wareegay Al-Shabaab.Ciidankaan waxaa hoggaaminaya saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo Jeneraal Aadan Laba-afle uu hoggaaminayo iyo guddooomiyaha caasimadda Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow, sidoo kale waxaa galabta ciidanka furimaha uga dabategay Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey.Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay inay ku jiraan howlgal saf-balaaran ah oo soca doona deegaanka Ceelgaras ilaa degmada Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud.Waxay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga xoreynayo guud ahaan degaannada iyo degmooyinka kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud.