Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Hoobiyeyaal saaka kusoo dhacay Guryo kuyaalla Xaafada Dabaqeynka ee degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir.Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay Guri uu degan yahay Xildhibaan Maxamed Keerow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka,waxaaana ku dhintay Wiil uu dhalay oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Keerow & Wiil uu Adeer u yahay oo lagu Magacaabo Maxamed Warsame.Wararka kale ee Risaala heshay ayaa sheegaya in Guryo kale uu hoobiyaha ku dhacay, isla markaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay.Ciidamo katirsan laamaha Amniga degmada Dharkeenley ayaa tegay Gobta uu hoobiyaha ka dhacay, iyaga oo diiday inay Warbaahinta tagto Goobta uu hoobiyaha ku dhacay, si ay Warar uga so tebayaan.Dhawaan ayay aheyd markii Hoobiyeyal kusoo dhacay Guryo kuyaalla Agagaarka Isgoyska Tarabuush ee degmada wadajir, kuwaas oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.