Aqalka Senedka ee dalka Maraykanka ayaa waxay si aqlabiyad leh u ansixiyeen inuu Richard H. Riley IV noqdo Danjiraha Maraykanka uga wakiilka noqon doona dalka JFS.
Ansixinta Aqalka Senedka ayaa timid, kadib, markii uu Madaxweyne Joe Biden uu dabayaaqadii bishii March ee sanadkan u magacaabay Richard H. Riley IV inuu noqdo Danjiraha soo socda ee Maraykanka u joogi doona dalka JFS.
Ambassador Richard H. Riley IV waxa uu bedeli doonaa Danjirihii Maraykanka u joogay Somalia, Ambassador Larry Andrรฉ oo xilkaasi hayey tan iyo bishii January sanadkii 2022-kii.
Dhanka kale, Danjiraha cusub ee Maraykanka, Ambassador Richard H. Riley IV waa Diblomaasi Khibrad leh, kana soo shaqeeyey dalal ay ka mid yihiin: UK, Raashiya, Canada, Pakistan, Shiinaha, Jamaica, Yemen, Afghanistan iyo Iraq.
Si kastaba, Danjiraha Cusub ee Maraykanka u joogi doona dalka JFS, Ambassador Richard H. Riley IV waxa uu haystaa Dhowr Shahaado Jaamacadeed, isagoo Jaamacadda University of Georgia ka qaatay Shahaadada BBA, Dugsiga Ganacsiga ee Havard Business School waxa uu ka qaatay Shahaadada MBA, halka uu Shahaadada MS ka qaatay Kolejka Dagaalka ee National War College.