
Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa guddoomiyey shir gaar ah oo ay yesheen qabanqaabiyeyaasha shirka lagu soo bandhigayo Warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta khasaarahii ka dhashay fatahaadii iyo daadadkii El-Niรฑo ee sanadkii hore ku dhuftay dalka, kaas oo todobaadkan ka furmaya magaalada Muqdisho.
Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa George Conway oo ah ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo masโuuliyiin ka kala socday Bangiga lacagta adduunka iyo Midowga Yurub.
Shirkaan ayaa looga hadlay qabanqaabada iyo ajandaha shirkaas iyo sidii uu u noqon lahaa mid guulaysta, sidoo kale waxaa la isla soo hadal qaaday xalaadaha biniโaadanimo ee dalka iyo sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa danyarta iyo barakacyaasha ku nool gudaha dalka.