
Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo mas’uuliyiin ka socda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.
Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada Cumar Cabdulaahi Maxamuud, Xubno katirsan maamulka Degmada, maamulada Degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure, ayaa magaalada Xudur kusoo dhoweeyay wefdiga uu hogaaminaayeen Wasiirka gargaarka Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha SoDMA Maxamud Macalin, ayna qeyba ka ahaayeen madax kasocotey Hay’adaha UNOCHA, WFP, UNICEF, IOM, waxeyna kormeereen Kaamamka ay ku noolyihiin dadka Barakacyaasha ah iyo Bulshada kunool Xaafadaha.
Waxeyna kulan xog-wareysi ah ay la qaateen, dadka Barakacyaasha ah ee saameeyay abaaraha ee kunool Kaamamka, Sidoo kale waxey kulan la qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada Xaafadaha iyo Odayaasha dhaqanka.