MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DEG DEG AH LA QAATAY LAAMAHA AMNIGA, UNA TACSIYEEYAY SHACABKII KU WAXYEELOOBAY WEERARKII LIIDO written by Warsan Radio 03/08/2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii argagixisadu ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Khawaarijta, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.“Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah.”Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Khawaarijta.“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.Madaxweynaha ayaa xusay in Khawaarijtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku qarinayaan jabka is-dabajoogga ah ee ay Ciidamadeenna Qalabka Sida ugu geysanayaan furimaha dagaalka, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee Argagixisadu ku waxyeeleyso shacabka Soomaaliyeed. MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DEG DEG AH LA QAATAY LAAMAHA AMNIGA, UNA TACSIYEEYAY SHACABKII KU WAXYEELOOBAY WEERARKII LIIDO was last modified: August 3rd, 2024 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS ayaa Maanta xarunta gurmadka Qaran ku shir guddoomiyay kulan kooban next post Xafiiska QM ee Soomaaliya oo cambaareeyey qaraxii Al-shabab ka geysteen xeebta liido You may also like Daawo lagu farsameeyey India oo sababtay geerida 66 Caruur ah 07/10/2022 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 25/06/2019 Dhageyso+Sawiro:-Xildhibaanada Dowlada Federalka oo ka Soo jeeda KG Aya go’aano ka soo saaray doorashada Madaxweyne ee Mamulka Koofur Galbeed 06/12/2018 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 09/10/2023 Ciidanka DANAB oo la wareegay degaanka Ceelbaraf & faah faahin laga helayo 27/06/2022 Sawiro: Tababarka ka jawaabida Maamul ee u qareemida ka qeybgalka Dumarka maanta Lagu Soo Xiray 09/12/2019 Boqor Salmaan “Waxaan doonaynaa xal caddaalad ah oo loo helo Qadiyadda Falastiin” 07/09/2020 Akhriso;Magacyada Jaamacadaha ay Aqoonsan tahay Dowlada Federalka 21/05/2021 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo iyo soodhaweyn loo sameeyay (Sawir) 12/08/2020 Iran oo beenisay inay ku lug laheyd weerar lagu qaaday markab ay laheyd Israa’iil 02/08/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.