Xafiiska QM ee Soomaaliya oo cambaareeyey qaraxii Al-shabab ka geysteen xeebta liido written by Warsan Radio 04/08/2024 Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii bahalnimo ee kooxda khawaarijtu ka geysatay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku geeriyoodeen 32 qof oo shacab ah sidoo kalena ku dhaawacmeen 63 qof.“Qarammada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeynaysaa kuwa ku dhaawacmay inay si dhaqso ah u bogsadaan.”ayaa lagu yiri bayaanka Cambaaraynta ah.“Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan bilicda xeebaha Soomaaliya. In goobtan la bartilmaameedsado waa fal foolxun oo mudan qaadaya cambaareynta ugu adag,” ayuu yiri Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.Annagoo ku biirayna dhammaan dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ee u baroordiiqaya dhibaatadan murugada leh, waxaan mar kale xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay taageerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna la garab taagan tahay dadaallada ay ugu jirto inay xaqiijiso nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka, Xafiiska QM ee Soomaaliya oo cambaareeyey qaraxii Al-shabab ka geysteen xeebta liido was last modified: August 4th, 2024 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DEG DEG AH LA QAATAY LAAMAHA AMNIGA, UNA TACSIYEEYAY SHACABKII KU WAXYEELOOBAY WEERARKII LIIDO next post Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, ayaa shaaciyay akoonnada lagu soo diri karo lacagaha loogu gurmanayo ehelada iyo caruurtii ay dadkooda ku waayey Masiibadii ka dhacaday liido. You may also like Wakiilka Itoobiya ee Somaliland oo Hargeysa lagusoo dhoweeyay 20/08/2020 Hirshabeelle oo maanta Jowhar kusoo gabagabeeysay doorashada kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 04/10/2021 Howlgallo lagu laayay meleeshiyaay ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay Sh.hoose 28/04/2021 Tirada dadkii ku dhintay qaraxii weynaa ee Beirut ka dhacay oo korortay 10/08/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 30/01/2023 Madaxweyne Farmaajo oo dalab u diray shacabka kadib shirkii ka dhacay Dhuusamareeb 23/07/2020 Sharukh Khan oo u jawaabay atoore waddan kale kasoo jeeda oo ka yaabsaday 09/12/2019 Madaale oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga 01/04/2024 RW Kheyre: “Doorashada iney xilligeeda ku qabsoonto waa lagama maarmaan” 31/05/2020 Daawo:-Mashruuca Waxbarashada Madaniga ah waa mashruuc loogu tala galay in kor loogu qaado wacyiga iyo aqoonta bulshada reer baydhabo ayadoo la adeegsanaayo tobabaryo siminaar, Wadatashi bulsho, 04/08/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.