Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadan dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhowaad 10 askari oo kamid ahaa ciidamada Macawiisleyda ee ka howlgala degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.Xaaladda ayaa maanta ah mid deggan, waxaana haatan degmadaas howlgallo ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo baadi goobaya xubnihii Al-Shabaab ee ka dambeeyay weeraradaasi.Hiiraan ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana degmooyinka gobolkaasi dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada huwanta.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale beegsi ku haysa xarumaha ciidamadaasi, waxaana mararka qaarkood ay ku qaadaan weeraro gaadmo ah oo dhaliya khasaare dhimasho iyo dhaawac.Si kastaba, Hiiraan oo ay joogaan ciidamo badan oo Macawiisley ah ayaa ah halka uu kasoo bilowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waana sababta ay markasta kooxda qaraxyo ula beegsato magaalooyinka waaweyn ee gobolkaas oo hoostaga HirShabelle.