Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa xalay khudbad qiiro leh ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee ka socda magaalada Chicago. Khudbaddan oo lagu tirinayo mid ka mid ah kuwa ugu danbeeyay ee uu ku macsalaamaynayo taageerayaashiisa, ayaa Biden ku bilowday isagoo ilmeynaya, kaddib markii ay makarafoonka ku soo dhaweysay gabadhiisa, Ashley.
Kumannaanka qof ee ku sugnaa xarunta shirka ayaa u istaagay sacabka kaddib markii Biden uu masraxa soo galay, iyagoo ku dhawaaqayay โMahadsanid Joeโ.
Biden ayaa khudbaddiisa kaga hadlay dhinacyo kala duwan, isagoo carabka ku adkeeyay in Dimoqraadiyiinta iyo taageerayaashooda ay u dagaalamayaan ruuxda Ameerika. Wuxuu difaacay dhaxalkiisa waxqabad, isagoo sheegay in wax badan oo kale uu qaban doono bilaha u haray xilka.
Markii uu ka hadlayay bannaanbaxyada lagu taageerayo Falastiin iyo Gaza ee Mareykanka, wuxuu sheegay in bannaanbaxayaasha ay gar leeyihiin, maadaama dad badan lagu dilay Gaza.
Biden ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday goโaankiisa ah inuu ka harayo doorashada, isagoo ku tilmaamay inuu taageero Kamala Harris, taasoo uu ku sheegay inay tahay goโaankii ugu wanaagsanaa ee uu sameeyay. Wuxuu ugu baaqay shacabka Mareykanka inay doortaan Harris iyo murashaxa madaxweyne ku xigeen, Tim Walz, si loo difaaco dimoqraadiyadda Mareykanka.
Waxyaabaha kale ee uu khudbaddiisa ku soo qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha soo galootiga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda dibadda.