Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan aad u muhiim ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga, magaalada Ankara, dhiggiisa dalka Turkiga, Yaşar Güler. Kulankan ayaa ahaa mid ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin iskaashiga dhinaca difaaca, amniga, iyo tamarta, kuwaas oo ah kuwa labada dalba ay daneynayaan in la xoojiyo.
Intii kulanku socday, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar. Ka qaybgalka wasiirkan ayaa tilmaamaya sida Turkiga uu uga go’an yahay inuu sii ballaariyo taageeradiisa dhinacyo kala duwan leh, oo ay ugu horreeyaan arrimaha difaaca iyo tamarta ee Soomaaliya.
Turkiga ayaa horey uga qayb qaatay tababarka iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale taageero xoog leh laga helayo dhanka tababarka, taas oo sii kobcineysa awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa kulanka ku falanqeeyay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ay diiradda saareen sidii loo heli lahaa iskaashi xooggan oo ka jira dhammaan dhinacyada difaaca iyo amniga, gaar ahaan iyada oo la eegayo xaaladaha isbeddelka leh ee gobolka.
Kulankan wuxuu daba socday dadaallo horay loo sameeyay oo lagu doonayo in la sii xoojiyo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal. Iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe gaaray heer cusub, iyadoo Turkiga uu si xooggan ugu lug yeeshay dhinacyada horumarinta, dhismaha kaabayaasha, iyo kobcinta awoodda hay’adaha difaaca iyo ammaanka ee Soomaaliya.
Kulamadan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli xiisadaha gobolka, gaar ahaan kuwa u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, ay cirka isku sii shareerayaan. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa labada dhinacba ku dadaalaya in iskaashigooda ay ka dhigaan mid adag oo aan u nuglaan karin saameynta xiisadaha gobolka ka taagan, iyadoo diiradda la saarayo sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo amniga guud ee gobolka iyo qaranimada Soomaaliya.