
Qado-sharaftan iyo mahadcelinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Yacquub Maxamed Cabdalle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Eng. Maxamed Ciise Cusmaan, agaasimaha Telefishinka iyo Raadiyaha Puntland Cali Cabdi (Cali kiimikio)iyo martida munaasabadda oo ay ka mid ahaayeen wakiillo ka socday warbaahinta Maxaliga ah ee Puntland.
Munaasabaddan ayaa lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo mid ka mid ah shaqsiyaadka warbaahinta ee dadaal muuqda ka geystay qabsoomidda munaasabadda. Wasiirku waxa uu ku ammaanay dhammaan hawl-wadeennada kaalinta ay ka qaateen horumarinta dalxiiska iyo kor u qaadidda Bilicda Puntland.