Talaalka wacyigelinta cudurka dabaysha oo Baydhabo lagu qabtay written by Warsan Radio 13/10/2024 Magaalada Baydhabo waxaa lagu qabtay munaasabad weyn oo lagu daahfurayo Talaalka wacyigelinta cudurka dabaysha (polio), iyadoo sidoo kale lagu daray qeybinta Vitamin A oo muhiim u ah caafimaadka carruurta. Talaalkan ayaa socon doonta ilaa 17-ka Oktoobar 2024, waxaana lagu wacyigelin doonaa Bulshada muhiimadda tallaalka cudurka polio iyo isticmaalka Vitamin A oo kaalin weyn ka qaadata korinta iyo difaaca caafimaadka caruurta.Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Caafimaadka ย Heer fadaraal iyo Heer Gobol ย ย wakiillo ka socda Hayโadahaย Caalamiga ah sida WHO, UNICEF, iyo ururada maxalliga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka iyo wacyigelinta bulshada ย Waxaa lagu soo bandhigay Warbixino muhiim ah oo ku saabsan cudurka Dabaysha iyo sida tallaalka Joogtada ah uu uga hortago in carruurta ay la ildaraadaan cudurkan.Sidoo kale, inta uu socdo ololaha, waxaa la qorsheeyay in caruurta la siiyo Vitamin A, taas oo ka Caawineysa iney yeeshaan arag wanaagsan iyo korriin caafimaad leh, maadaama carruur badan ay la ildaran yihiin nafaqo-xumo sababa inay ku dhacaan cudurro sahlan oo laga hortagi karo.Qaybta ugu muhiimsan ee munaasabadda waxaa ka mid ah bixinta adeegyo caafimaad oo lacag laโaan ah, kuwaas oo carruurta yaryar lagu siinayo tallaalka polio iyo Vitamin A. Talaalka wacyigelinta cudurka dabaysha oo Baydhabo lagu qabtay was last modified: October 13th, 2024 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israโil oo garaacday saldhig ay ciidanka UNIFIL ku leeyihiin Lubnan next post Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka Xisbullah ay ku qaadday Israaโiil iyo khasaaraha ka dhashay You may also like Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 23/01/2023 Dhageyso:-Wasiirkii Tamarta iyo Khayraadka Biyaha DF oo maantay si rasmi ah isaga casilay xilkii wasiirnimo. 05/11/2018 Ciidamo Lagu Daadiyey Adis Ababa iyo Xaaladda Guud ee dalka Ethopia 02/07/2020 Trump oo sheegay in Biden oo ku fashilmay hogaaminta Maraykanka 01/03/2021 Dhageyso:-Warsan oo qabatay dood looga hadlayey ka hortagga Xag-jirnimada iyo kor u qaadidda Nabadda 09/10/2019 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/02/2021 Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigey qaar kamid ah maxaabiistii ka baxsatay xabsiga Boosaaso 06/03/2021 Dhageyso;- Warka Galab ee Idaacada Warsan 15/04/2022 Wafdi ka socday Dowladda Somalia oo Shirweyne uga qeyb galay Talyaaniga 21/04/2024 Guddiga farsamadda soo xulista Barlamaanka labaad ee Hirshabelle oo gaaray Magaalada jowhar 28/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.