
Kulanka oo shir guddoomisay Guddoomiyaha guddiga Sanatar Deeqo Xasan Xuseen, islamarkaana ay goobjoog ka ahaayeen sanatarrada ku jira guddiga, waxaa lagu falanqeeyay diyaarinta warbixinta safarkii shaqo ee ay tageen dowlad goboleedka Jubbaland iyo dib u habeynta qorshe howleedka guddiga.
Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa isla qaatay in maalmaha soo socoda laga shaqeeyo dhameystirka warbixinnada guddiga ee ku saabsan howlaha horyaala, sidoo kalane la hor geeyo golaha.
Β