Guterres oo ku baaqay tallaabo adag si loo dhameeyo colaadda Sudan written by Warsan Radio 29/10/2024 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Isniinti shalay ku baaqay in tallaabo adag la qaado, si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee 18-ka bilood ka socda dalka Sudan.Hadalkan ayaa imanaya xilli ay malaayiin qof oo reer Sudan ah ay wajahayaan macaluul kaddib marki ay guryahoodii kasoo barakiciyeen colaadda u dhaxeysa Ciidamada Millatariga iyo Kooxda Fallaagada RSF, kuwaas oo isku haya awoodda waddanka.Hadal uu ka jeediyay kulan gaar ah oo ay Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen xaaladda Sudan, ayuu Guteresh in ” si joogto ah ay uga codsanay labada dhinac inay joojiyaan dagaalka oo ay yimaadaan miiska wadahadalka, balse inti ay hoo su dhigi lahaayeen xiisadda ay ka door bideen in ay ficillada millatari ay sii kordhiyeen”.Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in “dhibaatooyinku ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka danbeysa” isagoo ku baaqay in la joojiyo colaada, la ilaaliyo rayidka, sare loo qaado gargaarka bini’aadantinimo, isla markaana si deg deg ah loo joojiyo hubka iyo rasaasta labada dhinac.Waxa uu sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay xaalada caasimada Waqooyiga Darfur ee Al Fasher, halkaasi oo uu ka socday dagaal tan iyo bartamihii bishii April.Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamanka milatariga ee ka amar qaata madaxa ciidamada qalabka sida ee Sudan Abdel-Fattah al Burhan, iyo madaxa ciidamada RSF Mohamed Hamdan Dagalo. Al Fasher waa caasimadda kaliya ee gobolka Darfur ee aan weli ku dhicin gacanta kooxda RSF.Qaramada Midoobay iyo dowladaha kale ayaa ka walwalsan, dagaal xoog leh oo ka dhaca Al Fashir uu keeni karo, gabood fallo iyo xasuuq la mid ah kii horraanti 2000 ka dhacay Darfur, markaas oo la dilay kumannaan qof oo kasoo jeeda qowmiyadaha aanan Carabta aheyn ee mandiqadda sida Zaghawa, Masalit, Fur iyo qowmiyadaha kale. Guterres oo ku baaqay tallaabo adag si loo dhameeyo colaadda Sudan was last modified: October 29th, 2024 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Guddiga arrimaha gudaha dib-u-heshiisinta federaalka ayaa maanta yeeshay kulankoodii 20-aad next post Naciim Qaasim oo nogday hoggaamiyaha cusub ee Xisbullah. You may also like Madaxweyne Trump oo isbitaal la dhigay iyo wararkii u dambeeyey xaaladiisa caafimaad 03/10/2020 Raila oo qaadaya tallaabo ka dhan ah natiijada doorashadii Kenya 22/08/2022 Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta la kulmaya Madaxda Imaaraadka Carabta 31/01/2022 Madaxtooyada Somalia Oo War Kasoo Saartay Xaaladda Caafimaad Madaxweyne Xasan Sheikh 27/06/2022 Dhageyso: Barnaamijka Waxbarashada Idaacada Warsan 10/06/2023 WFP, is looking for a Programme Policy Officer in Dolow to support our mission for Zero Hunger in Somalia. 21/08/2021 SAWIRO:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Baydhabo soo gaaray. 07/10/2019 Xaaladdii ugu adkeyd oo ka jirta Isbitaal Martini ee Muqdisho 22/02/2021 Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika 03/02/2024 Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo Ergeyga Gaarka Ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika? 31/07/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.