Hoggaamiyeyaaasha Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa maanta isugu tagey Magaalada Paris, si ay uga wada hadlaan wada hadalada tooska ah ee Mareykanka uu la leeyahay Ruushka ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine.
Hoggaamiyeyaasha reer Yurub ayaa ka wada hadlaya jawaabta ay ka bixinayaan is bedelka siyaasadda Washington ee Ukraine, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu bilaabay in uu xiriir toos ah la yeesho Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.
Madaxa Guddiga Yurub, haweeneyda lagu magacaabo Ursula von der Leyen ayaa shirka Paris ku tilmaamtay mid muhiim ah.
Haweeneydan ayaa reer Yurub ugu baaqday in ay si degdeg ah u bedelaan fekerkooda amniga, isla-markaana ay xoojiyaan difaacooda.”Shirka Paris wuxuu ku saabsan yahay Ukraine, laakiin sidoo kale annaga ayuu nagu saabsan yahay.” Ayay tiri markii ay ka degtay dalka Faransiiska.
Ursula von der Leyen oo sii hadleysay ayaa tiri “Waxaan u baahanahay maskax degdeg ah. Waxaan kaloo u baahanahay inaan xoojino difaaca, labadoodana waa wax aan hadda u baahanahay.”Xiriirka Mareykanka iyo Ruushka ayaa ku yimid is bedel degdeg ah, kaas oo u muuqdo mid soo hagaagaya, ka dib markii Donald Trump uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad.
Mareykanka iyo Ruushka ayaa lagu wadaa in Talaadada uu shir uga furmo dalka Sacuudiga. Shirka Riyadh ayaa la xiriira wada hadalada nabadda ee Ukraine.Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka Ruushka, Dmitry Peskov ayaa maanta sheegay in Moscow ay dooneyso in la soo celiyo xiriirkii labada dal.Hoggaamiyeyaasha reer Yurub ayaa ka doodaya is bedelka lama filaanka ah ee ku yimid xiriirkoodii Washington iyo sida looga falcelinayo mowqifka Trump ee Ukraine. Reer Yurub ayaa la yaaban, sida Trump uu mar keliya uga soo jeestay safka kale.
Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa ka baqdin qaba in waxa Trump iyo Putin ay ku heshiiyaan ay saamayn mustaqbalka ku yeeshaan ammaanka Yurub.
Reer Yurub ayaad mooddaa in ay wajahayaan waqti aad u xasaasi ah, isla-markaana ay raadinayaan dhameystirka baahida ay u qabaan waxqabad degdeg ah, oo ay kula tacaalayaan xaaladda soo korortay.
Trump ayaa shir laba geesood ah ugu yeeray Moscow, iyadoo aysan markaasi wax kaalin ah ku lahayn Ukraine iyo Midowga Yurub.
Xulafada Yurub ee Ukraine ayaa ka carreysan inaysan qayb ka noqon doonin wada-xaajoodyada miiska wada hadalka.