
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa xalay fulisay weerar hoobiyeyaal ah oo lagu bartilmaameedsaday xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka dhacay fal argagax leh oo sababay khasaaro nafeed iyo burbur weyn.
Goobjoogayaal Xaafada ah ayaa sheegay in mid ka mid ah hoobiyeyaasha uu si toos ah ugu dhacay guri ay deganaayeen hooyo Soomaaliyeed iyo lix carruur ah, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac culus.
Dadka deegaanka ayaa si weyn uga argagaxay weerarka, iyagoo ku tilmaamay fal ka baxsan bani’aadantinimada. Mid ka mid ah deriska oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri:
“Waxaan maqlay qarax weyn, markii aan u cararnay guriga deriska waxaan aragnay wax indhuhu aanay qaadan karin… waa wax aan weligeen iloobi doonin.”
Maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan weerarka, iyadoo ay socdaan dadaallo gurmad iyo gargaar degdeg ah loo fidinayo ehelada dhibbanayaasha.
Al-Shabaab ayaa horey dhowr jeer u weeraray Baydhabo, balse weerarkan hoobiyeyaal ah ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu khasaaraha badan ee si toos ah u beegsada qoys rayid ah, taas oo muujinaysa bahalnimada iyo arxan darrada kooxdaas.