
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa bishan 10-keedii sheegay in Shidaalka Turkiga uu bilaabi doono howlo sahamin Shidaal iyo Gaas ah Seddex goobood oo ku yaalla Soomaaliya bilaha soo socda. Shirkadda Shidaalka ee Turkiga iyo Hayβadda Batroolka Soomaaliyeed ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiiska baarista iyo soo saarista kaarboonka laga dhaliyo.
βHowlaha sahaminta Saliidda iyo Gaaska ayaa bilaha soo socda ka bilaaban doona Seddex goobood oo muhiim ah oo xeebta ku yaalla oo gaaraya ku dhawaad (ββ16,000) oo kiiloomitir laba jibaaranβ, ayuu yiri Bayraktar. βWejiga koowaad wuxuu noqon doono cilmi baarista Seismic, kadibna waxaa ku xigi doonaan howlgalo qodis ah, iyadoo ujeedadu tahay in la ogaado lagana soo saaro Saliid iyo Gaaska goobahaasiβ, ayuu sii raaciyay.