Odiyaasha dhaqanka KGS oo shir Jaraa’id Ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa kahadlay qalalaasaha ka socda Baydhabo iyagoona sheegey in looga baxay balantii aheyd in nabad Lagu Baaqi doono.
👇Link’ ga hoose taabo.
Odiyaasha dhaqanka KGS oo shir Jaraa’id Ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa kahadlay qalalaasaha ka socda Baydhabo iyagoona sheegey in looga baxay balantii aheyd in nabad Lagu Baaqi doono.
👇Link’ ga hoose taabo.
Shirkan jaa’id maaanta ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay Golaha guurtada koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxaa ay kaga hadleen nabadgaliyada koonfur galbeed ka Dib markii laba maalin ka hor magaalada Baydhabo ay ka dhacdey shaqaaqo dhalisay dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale odayaasha dhaqanka koonfur galbeed soomaaliya shirkan jaraacid wexey baab uga direen gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay soo fara galiyaan olaada ka socota magaalada Baydhabo OO salaka ku haysaa doorashada koonfur galbeed iyagoona ku lataliyey golaha midooga musharixiinta iyo maamulka koonfur galbeed inay ka tashtaan nabada iyo jiritaanka maamulka koonfur galbeed.
Ciidanka Geesiyaasha Ururka 260aad Guutada 9aad Qaybta 60aad CXDS Iyo Kuwa ATMIS Ayaa maanta Howlgalo Qorshaysan ka sameeyey Deegano Hosyimaada Degmda Wajid Waxana Ciidanka Hogaaminayey Guddomiyaha Degmda Wajid Mudane Mohamed Yussuf Ali ,waxana Qayb Ka Ahaa Taliye Ku Xigeenka Ururka 260aad iyo Taliyaha Qaybta ATMIS Ku sugan Degmda Wajid
Deeganada Howlgalka Lagu Sameeyey Ayaa Kala ah Madfooday,Guure,Sijo, Ceeltuumed Iyo Degaano kale Oo Dhowr ah Oo ka tirsan Degmda Wajid.
Degmda wajid Ee Gobolka Bokool Oo Muddo 10sano U Go,donsanayd Ururka Nabdiida AL shabab Iyagoona in muddo Dhibataynayeen Shacabka Ku nool Degaanadaas Maanta Ay Tageen Ciidanka Gesiyaasha iyo kuwa ATMIS.
Guddomiyaha Degmda Wajid Ayaa Hadaladiisa Waxa Kamid aha Hadda Ka dib In Loo Dulqadan Doonin Dhibatooyinka Ay soo Maleegaan Ururka Nabdiidka AL shabab mana Laga Yeelaayo Beenta Ay Waddoyinka Ugu Xiran Yihiin.
Maamulka Degmda Wajd Uu Hogaamiyo Guddomiyaha degmda wajid Mohamed Yussuf Ali Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Ceelka Wayn Ee Degmda Wajid Si Ay Ugu Kuur galaan Biyo Yari Soo Wajahday Ceelasha Biyaha Ee Degmda Wajid.
Waxana Ka soo Hayaamay Dad Reer Guraa ah Ka soo Barakacay Tuuloyin U Dhow Badiya Degmda Wajid ,Dowla Degaanka Somalida Ithobia Iyagoona Meelihi Ku Sugnaa Biyo Ka Soo Wayeen.
Guud ahaan Somaliya Waxaa Ka Jiro Abaaro Isdaba Joog ah in kastoo Sanadadii La soo Dhafay Is Badalay Heer Kulka Cimlada.
Maamulka Degmda Wajid Oo Baaq Udiray Wasarada Biyaha Dowlad Gobleedka KGS iyo Tan Fadraalka In Kastoo Dhibatooyin Fara badan Ka jiro Degaanada Koonfur galbeed Gar Ahaan Gobolka bokool.
Shirka Golaha Fulinta Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa looga hadli doonaa wiixii SOMA u qabsoomay sannadkan dhamaadka ah iyo qorshaha sannadka soo socdo ee 2023.
Guddoomiyaha SOMA Hilaal Sheekh Shuceyb iyo Xoghayaha Guud ee ururka SOMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa shirka si rasmi ah u furay.
Guddoomiyaha SOMA Hilaal Sheekh Shuceyb iyo Xoghayaha Guud ee ururka SOMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa shirka si rasmi ah u furay, iyada oo dood ay ka yeelanayaan madaxda qorshaha sanadka 023.
Shirka Sanadlaha ee Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa sanad walba lagu soo andhigaa waxyaabihii u qabsoomay sanadkaas iyo qorshaha sannadka soo socda…
Shirkaan Jaraa’id ee uu maanta xafiis kiisa Magaalada Baydhabo ku qabtey wasiirka wasaarada Warfaafinta Dowlada KGS mudane Ilyaas Cali Nuur Cali Waxaa Kaga Hadley Arimo Dhowr Ah Oo Ay Kamid Yihiin, Siyaasada, Amniga Iyo Baaqyo uu u direy xildhibaanada, laamaha kala duwan ee ciidamada iyo shacab kooda.
Ilyaas cali nuur ayaa muujiyey in dowlada KGS ay waajib Muqadas Ah ku tahay ilaalinta xuquuqda muwaadaniin teeda iyo sidoo kale dastuur kooda islamarkaana aaney aqbali doonin in lagu xadgudbo.
Wasiirka ayaa bulshada KGS ugu baaqey iney ilaalsadaan jiritaanka dowladooda iyo amnigooda .
Wasiirka wasaarada warfaafinta dowlada KGS ilaays cali nuur cali ayaa xubnaha baarlamaanka KGS ku amaaney sida ay u ilaalinayaan jiritaanka dowlada iyo nidaam kii ay ansixiyeen.
Ugu danbeyn wasiir ilyaas cali nuur wuxuu laamaha kala duwan ee ciidamada dowlada ugu baaqey iney ka shaqeeyaan amniga iyo inaan la kala dhantaalin.
Ku dhawaad 45 Wariye oo ka tirsanaa warbaahinada Magaalada Baydhabo ayaa waxaa loo qabtay dood wadaag Ku saabsanaa Tabinta doorashooyinka.
Doodaan Laga qeyb galiyay Wariyaasha ayaa waxaa uu ahaa mid soconaya Hal Maalin, inta dooda socotay ayaa waxaa lis dhaafsaday fikiro badan oo ku saabsanaa qaabka Wariyaasha ay U tabin karaan doorashada Iyo wax yaabaha looga baahan yahay.
Cumar Mustafa Nuur oo ahaa Macalinka dooda U qabtay Wariyaasha oo lahadlay warbaahinta Warsanradio ayaa sharxaad ka bixiyay doodaan Iyo waxyaabaha ka Soo baxey.
3 December waa maalinta naafada Aduunka qayba badan oo dunida ah ayaana maanta laga xusay, hadaba Naafada Magaalada Baydhabo waa sidee?
Maalimo gaar ah oo mar loo dooray in maalintaasi la yiraahdo waa maalin hebel ayaa inta badan dunida laga xusaa.
Maantana waa maalin ka mid ah maalimahaasi waxay ku began tahay maalinta Naafada Aduunka oo si weyn caalamka loogu xuso.
Maanta dunida waxaa laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee dadka qaba baahiyada gaarka ah, waxayna ujeeddadu tahay in bulshadu ay fahanto xaaladda dadkaasi qaba baahiyada gaarka ah isla markaana bulshada lagu wacyi geliyo taageerada iyo gacansiinta dadkaasi.
Sidoo kale maalintani ayaa loogu tala galay in la muujiyo dadka qaba baahiyada gaarka ah ee haddana nolashooda caadiga u maareeya.
Saciid Osmaan Gaabow wuxuu ka mid yahay dadka qaba baahida indhaha balse gudoomiye u ah urur ay ku midooween dadka indha la.
Saciid markiisii hore wuxuu ahaa mid gooni u ah sidii uu ku noolaan lahaa isaga iyo qoyskiisa balse waxa uu gudoomiye u noqday sannadku markuu ahaa 2016kii dad baahidiisa oo kale qaba ku waasi oo ay ka sugeyaan in uu u raadiyo xuquuqda ay leeyihiin.
Saciid ayaa sheegay in maalinta naafada aduunka ay aheyd in lagula dabaal dego deegaankiisa balse taasi aysan dhicin wuxuuna ku eedeeyey dhamaan masuuliyiinta qeyba hooda kala duwan isagoo u jeediyey in ay la shaqeeyaan dadka naafada ah ee ku nool magaalada baydhabo si ay u helaan waxa ay xaqa u leyihiin.
“Waxay aheyd maanta in aad nala dabaal degtaan dadkeeniyow balse waan ka xunahay waxaan ku dhaliileynaa dhamaan masuuliyiinta Koonfur Galbeed, si lamid ah waa in aad naafada la shaqeysaan si ay u helaan xuquuqdooda.”
Dhanka kale wuxuuna bulshada baydhabo ugu baaqay in naafada la garab istaago oo la tixgeliyo
“Bulshada Baydhabo fadlan waxan idin ka codsaneynaa in aad nagarb istaagtaan si aan u noolaano, wax u barano iyo in aan heer wanaagsan aan garno.”
Abdirahman Isxaaq waa qof aan waxba arkin wuxuu qabaa baahida araga ah kuna nool kaam ku yaala duleedka magaalada baydhabo ee xaruunta gobalka bay wuxuuna timaamay in dalalka deriska la ah ay helaan dadkooda naafada ah qiimeyn iyo ka warqabid balse Soomaaliya aysan ka jirin inta badan in la daryeelo dadka naafada ah ee baahiyaha gaarka ah qaba
“ Wadamada deriska nala ah waa laga xusaa maalinta naafada aduunka weyna tixgeliyaan naafadooda basle soomaliya ma helaan inta badan naafadooda daryeel sax ah sidoo kale ma heystaan qadrin qiimo oo ay mudan yihiin.”
Dadka Naafada ah waxay ka mid yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada balse inta badan Soomaaliya waxaa ka jira Musuq ah in dadka naafada ah aysan helin waxa dadka kale ay helaan halka wadamada qaar dadkooda naafada ah ay leeyihiin xuquuq ka duwan tan dadka dhimeystiran.
W/Q:- Wariye Abdourahman Yusuf Hassan Sooriyaako
Xudur, Diseembar 03, 2022: Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka kulanka Isku-duwidda iyo u diyaar-garowga Abaaraha ee Degmooyinka Gobolka Bakool oo socon doono muddo 2-maalmood ah oo maanta ka furmey magaalada Xudur.
Furitaanka Shirkaan maanta ka furmey magaalada Xudur waxaa Aaladda fogaan aragga ah kaga soo qeybgaley Guddigga gurmadka Abaaraha ee Koonfur Galbeed, waxeyna dhammaan ka qeybgaleyaashu waxey ku doodeen waxyaabaha hortabinta leh ee u baahan in xoogga lasaaro oo loo istaago sidii wax loogu qaban lahaa.
Gudoomiyaha Degmada Xudur oo ka hadley furitaanka kulanka ayaa ka sheekeeyey muhiimadda uu Kulankaan u leeyahey Bulshada, Hay’adaha Samafalka ka shaqeeya la xoojiyo la xisaabtankooda iyadoo la kaashanaayo maamulada. Gudoomiye Cumar Cabdulaahi ayaa sidoo kale Dowladda ka codsadey in magaaladaan Xudur ay u baahantahey dhismo ceel biyoodyo kala duwan oo qalabkii lagu sameyn lahaa laga caawiyo oo Dowladda iyo Hay’adaha ay soo gaarsiiyaan magaalada wuxuuna u mahadceliyey Guddiga Abaaraha iyo Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaaa kasoo qeybgaley dhammaan Gudoomiyaasha Degmooyinka Xudur, Waajid, Ceelbarde, Rabdhuure iyo Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, Isku-duwaha samafalka ee Gobolka Bakool, Gudoomiye kuxigeenada Gobolka Bakool, Guddiga gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed oo Aaladda fogaan aragga uga soo qeybgaley iyo Wasiir kuxigeenka gargaarka Koonfur Galbeed.
DHAMMAAD.
Guddomiyaha Degmda Wajid Mudane Mohamed Yussuf Ali Ayaa Deeq Rashin Laba Diyaradood Kala Wareegay Wasarada Gar-garka Maraynta Masiiboyinka KGS Oo Ka Shanaysa Hay,ada Gar-garka Maraynta iyo Masiiboyinka Dowlda Federalka Somaliya.
Garoonka waxa ku sugnaa Guddomiye ku xgeenka Degmda Wajid Mukhtar Ahmed Awdhere iyo Gollaha Degaanka Degmda Wajid.
Deqdaan Rashinka ah ayaa Looga Fa,idayn Doono Dadka Abaarta Sameeysey ku nool Degmda Wajid iyo Degaanada Ku Hareeraysan in kastoo Biloyinkii Dambe Jiray Abaaraha Sameeyey Guud ahaan Dalka Somaliya.
Guddomiyaha Degmda Wajid Ayaa U mahadceliyey Madaxweynaha DKgs mudane cabdiasis xasan maxamaed Laftagareen oo horey umagacaabey gudiga abaaraha Dkgs si loogu gurmado dadka tabaleysan ee deganada kgs iyo cidii kaqeyb qadatey in Wajid maanta Deeqdaan Timaado isagoona si gaar ah Ugu Mahadceliyey Wasarada Maraynta iyo Masiiboyinka Koonfur galbeed iyo Hay,ada Maraynta masiiboyinka Qaranka .
Dhamaad.