Waxaa xalay Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Marxuum Maxamed Cabdi uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Magaalada Nairobi, iyadoo xalay uu u geeriyooday xanuunkii haayay, sida ay xaqiijiyeen Masโuuliyiin ka tirsan Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi.
Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Puntland Marxuum Xaashi ayaa wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Maamulka Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland.
โMadaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, suโaasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsaโ ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland.
