Maanta oo kale 1999 juun lixdeedii ayay ahay Markii ay ururkii wax ika caabinta Raxaweyn(RRA) ay la wareegtay Magaalada baydhabo halgan dheer oo socday Mudo ka badan Afarsano.
Waxay RRA kala wareegtay Baydhabo Jabhaddii USCda ee wadatay Magaca Dowladeed Balse ahayd dowlad Qabiil oo ku qaraabanaysay Magaca ummadda Soomaaliyeed taasoo la oran jiray Salbalaar waxaana hogaaminiyay Jeneraalkii dagaal oogaha ahaa ee la oran jiray Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid.
Inkastoo uu jeneraal Caydiid ciidamadiisii ku soo duuleen deegaanadan Koofur Galbeed, waxaa shaki lahayn in ay jireen Shaqsiyaad u dhashay deegaanada oo u soo hogaamiyay jeneraalka Magaalda baydhabo si gumaysiga dadkooda ay ugu helaan mansab iyo maal kadibna udoonsi qabiil ay dhaxalsiiyaan umadii ay ka dhasheen.
Waxaa jiray dhqdhaqaaqyo hoose oo durba looga soo horjeeday qolooyinka iyagoo qabiil ah magac Dowladeeded in ay ummad waligeed soo joogtay ku qabsadaan damaaciyay, balse ma guulaysanin dhaqdhaqaaqyadaas, waa lakala wiiqay oo waxaa loo sheegtay cudu ciidan iyo hub saanad military oo ay ka helayeen dowlado ay ka mid ahaayeen Liibiya iyo ereteriya.
Markii ay salbalaar isku faafisay degmooyinka gobolka Baay iyo gobolka Bakool, sanadihii ugu horaysay waxay heleen fursado ay dadka ku maamulaan oo ay kaga samaystaan bulshada wax allaale iyo wixii ay doonaan, balse taasi ma noqon mid sii socota.
Waxaa la aas aasay RRA oo ahayd jabhad ay hogaanka u qabteen rag halyeeyo ahaa ku waasoo ay ka mid ahaayee Xasan Maxamed Nuur Shaati Gaduud, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Cabdalla deeroow Isaaq, Maxamed Cali Aadan Qalinle, iyo hal abuurkii weynaa ee keenay Magaca Sedexda Xaraf ka kooban RRA PROfesar Ibraahim Muuse Heeroow iyo kuwa kale oo aad u tirabadan oo uu kamid ahaa Gudoomiyihii hore ee Baarlamaankii Dowladda Dhexe Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe.
Aaskii kadib RRA waxay tabaabasho iyo tababar ciidan ka bilaawday deegaanka Baareey halkaasoo laβisu geeyay kumanaan dhalinyaro ah iyadoo ay saacidaysay Dowladda Itoobiya iyada naftarkeeda ka lahayd taageerada RRA dano siyaasadeed oo ka fog danta RRA, balse waxay lahaataba RRA iyaduna waxay danteeda ahyd in ay hesho il dhaqaale wax ka tari kara dib u xuraynat deegaanada laga haystay.
Waxaa bilaawday dagaalo culus oo ay ku soo qaadday RRA dhammaan Gobolada bay iyo Bakool iyagoo harsi iyo hurdo u diiday Ciidamo beeleedkii Doewladda Sheeganayay ee salbalaar, waxaa dhacday in bishii oktoobar sanadkii 1998dii waxay gacanta ku dhigay Magaala madaxdii bakool ee Xudur, waxaase taariikh lama iloobaan ah Xasuuqii salbalaar ay ka gaysatay Deegaanadaas oo laga xusi Karo Xasuuqii Moora gaabee iyo Dhiil. Waa kan ex xildhibaan Guuraaw oo ka hadlaya.
Waxay ahayd taariikh mudan xusuus iyo maamuus gooni ah si jiilkii waagaas dhasahay oo Maanta Siddeed iyo Toban jirsaday kuwaasoo aan war u haynin waxaa ay ka dhigantahay Seey Del Seey.
Sidaas daraaddeed waxaan dhihi lahaa ha noolaato Lixda Bisha Licaad 1999 ka oo badankeen iska indho tirnay.